Ka fogaanta dhagarta

Skip listen and sharing tools

Dhagartu waa khaainimo ay sameeyaan dad aan xishoonayn oo xada lacagtaada ama macluumaad shakhsiyeed.

Dhagarqabayaashu waxay isticmaalaan telefoon, email, farriin iyo boostada si ay ula xiriiraan dadka. Hoos waxaa ku yaalla macluumaad kaa caawimaya inaad ka xafido naftaada saddexda dhagarood oo caamka ah.

Dhagarta bakhtiyaanasiibka

Dhagarqabayaashu waxay u diraan warqado run u eg, emailo, fariima qoraalla (text) ama qoraalla laga soo diray warbaahinta bulshada iyaga oo u sheegaya inay ku guulaysteen abaalmarin. Abaalmarintu waxay noqon kartaa lacag, fasax, telefoon qaali ah ama foojarka wax lagu gato. Si aad u hesho abaalmarinta, waxaa waajiba inaad marka hore bixiso cashuur ama ujro, ama aad u soo dirto faahfaahinta akoontigaaga bangiga.

Qaar ka mid ah digniinaha dhagarta waxaa ka mid ah:

  • Abaalmarinta bakhtiyaanasiibka ama tartan aadan gelin
  • Waxaa lagu weydiisanayaa inaa wacdo nambar ama inaad email wata faahfaahintaada aad u dirto
  • Inaad dirto faahfaahinta bangiga ama abaalmarinta si aad u hesho abaalmarinta
  • Nambarka boostada, cinwaanka email-ka ama nambarka mobile-ka ayaa loo bixiyaa macluumaadka la xiriirida (lama bixinayo cinwaanka guriga)

Dhagarta Lacag-dhimista

Dhagarqabayaashu waxay iska dhigaan inay ka socdaan xukuumada, ama bangi ama urur caana oo la yaqaan waxayna yiraahdaan waxaad nagu leedahay lacag - laakiin ugu horrayn waa inaad bixisaa kharajka maamulida ama ujrad la mid ah si aad u hesho. Dhagarqabayaasha qaarkood ayaa yiraahda lacagtaadii hawlgabka ayaan la wada bixin, ama biilasha tas-hiilaadka ayaa lacag badan lagu siiyey sidaas darted waxaad hellaysaa lacag dhimis.

Bangi run ah, ama ganacsi ama wasaaradaha xukuumadaha marnaba kula soo xiriiri maayaan iyaga oo ku leh waxaad nagu leedahay lacag laakiin waa inaad bixisaa lacag.

Dhagarta jacaylka

Dhagarqabayaashu waxay ka soo maraan dhibanayaashu websaytyo jira oo is-shukaansi. Ka dib marka xiriir la abaabulo, waxay xiriirka oo dhan ka dhigaan email shakhsiyeed, telefoon ama fariimo. Isla markiiba, dhagarqabayaashu waxay la samaystaan xiriir online-ka ah dhibanaha, iyaga oo culays badan saaraya inay kasbadaan kalsoonida qofka.

Waxay socotaba, dhagarqabuhu wuxuu samaynayaa sheeko ku saabsan baahi lacageed, taas oo la xiriirta badanaa dhaawac ku yimid qof xubin ka ah qoyska, ama inuu lacag ku bixiyo maalgashi. Halkaan, dhibanuhu wuxuu galaa dibinkooda wuxuuna diraa lacag, xataa marka qoyska ama saaxiibadu ay u sheegayaan in sheekadu tahay mu'aamirad. Marka lacagta la diro sidii la doono ha loo diree, suurtagal noqon mayso in la soo celiyo.

Xafidaada naftaada - qodobada muhiimka ah oo laga xasuusanayo dhagarta

  • Haddii ay u badan tahay wax ku fiicnaan lahayd inay run tahay - waa sidaas
  • Ka taxadar emailada aadan aqoon, telefoona la soo diray ama warqad oranaysa waxaa jira lacag aadan soo doonan ama lacag lagugu leeyahay
  • Marna lacag ha u dirin ama faahfaahinta bangigaaga si aad u weydiisato lacag ama abaalmarin
  • Hubi inaad ka gashay bakhtiyaanasiibka ama wax lagu guulaysano xasuusano in bakhtiyaanasiibka saxda ah aanay ku weydiin inaad bixiso ujro (lacagta kharajka) si aad u hesho waxaad ku guulaysatey
  • Marna ha ku bixin lacag habka money order ama wire transfer - had iyo jeer isticmaal hab amaana sida credit card ama PayPal
  • Iska ilaali websaytyada beenta ah adigoo isticmaalaya loogooyin run u eg oo bangiya caan ah ama ururo kaleeto - haddii aadan hubin, la xiriir bangiga ama ururka si aad u hubiso
  • Ha isticmaalin linkis email ah si aad ula xiriirto ganacsiga. Had iyo jeer hel meesha lagala xiriiro adigoo isticmaalaya injiinka raadinta, tusaha telefoonka ama xog kale oo madaxbanaan
  • Marna lacag ha u dirin qof aadan shakhsiyan ula kulmin, xataa haddii aad la hadashay ama aad ka heshay hadiyad
  • Dhegayso qoyskaaga ama saaxiibadaa haddii ay ka qabaan welwel qof aad kula kulantay online-ka
  • Ka dareen qab haddii sawirada ballanta is-shukaansigu aanay sharxayn ama u egyihiin in laga soo qaaday magaasiin.

Talaaba ka qaadida dhagarqabaha

Haddii aad u malaynayso in lagu dhagray, nala soo xiriir isla markiiba si aad noogu soo sheegto. iyada oo xaalladaada ku xiran, waxaa laga yaabaa in lacagta laguu soo celiyo oo dib loogu soo shubo cidda ku siisay ama bangiga credit card-kaaga.

Haddii aadan awoodin in lacagtaada laguu soo celiyo, weli waa muhiim inaad soo sheegto shilka, maadaama laga yaabo in macluumaadku naga caawimo in aan joojino in kuwa kale la dhagro.

Baro wax badan oo ku saabsan sida looga fogaado dhagraha adigoo daawanaya fiidowgayaga Stevie's Scam School video oo looguu talagalay macaamiisha ganacsiyada yaryar oo ah.