Somali - Overview

Skip listen and sharing tools

Waxaan samayno

Consumer Affairs Victoria waa hay'ada sharciga u samaysa arrimaha macmiilaha. Ujeedadayadu waa in la caawimo dadka reer Fiktooriya inay ahadaan masuul iyo macmiile warqab ku ganacsanaya.

Si taas loo sameeyo waa in:

  • Dib loo eegaa talana la siiyaa xukuumada xagga sharciga macmiilaha iyo baaqa ganacsiga
  • Lala taliyo waxna la baro macaamiisha, kiraystayaasha, ganacsatada iyo kuwa leh guryaha la kiraysto xagga xuquuqdooda, masuuliyadooda iyo wixii isbedela oo ku yimaada sharciga
  • La diiwaangeliyo lana siiyo shati ganacsiyada iyo hawlaha socda
  • La heshiisiiyo khilaafaadka u dhexeeya macaamiisha iyo ganacsatada, iyo kuwa guryaha ijaara iyo kuwa laga ijaaro
  • La meelmariyo lana xaqiijiyo raacista qaanuunka macmiilaha.

Waxaanu ka bixinaa talo iyo macluumaad madaxbanaan oo ku saabsan:

  • Dhisida iyo cusboonaysiinta
  • Bixinta laysanka ama shatiga ganacsiga iyo sharciga
  • Magacyada ganacsiga
  • Gadashada iyo iibinta hantida
  • Iskaashiga
  • Lacag ururinta
  • Jimciyadaha la-midoobay
  • Wada shaqaynta xadadan
  • Maaraynta deynta
  • Baabuurta
  • Cidda leh shirkadaha
  • Amaanka badeecada
  • Ijaarida
  • Goobaha ama deegaanka dadka shaqada  ka fadhiisanaya
  • Khaainimada
  • Dukaamaysiga iyo ganacsiga.

Nagala xiriir

Adeega Tarjumaanka

Interpreter service logoWac 131 450 oo afkaaga ku dheh Somaali sida Ingiriiska loogu yiraahdo. Dabadeedna weydii mutarjumku inuu waco 1300 55 81 81.

9:00 am to 5:00 pm, Monday to Friday (except for public holidays).


Macluumaad intaas ka badan