Xuquuqdaada ka adeegsiga suuqa

Skip listen and sharing tools

Warbixinta xuquuqdaada ee sharciga ilaalinta macmiilka ee ostaraliya

Goorma ayaan heli karaa lacag celin?

Hadii uu jiro cilad alaabadii aad gadatay, Dukaangu waa in uu kuu badalaa, lacagta kuu celiyaa, dayactiraa ama noocii kale ee lagu xalinayo. Nooca mag dhawga la heli karaa waxay ku xidhan tahay cilada uu qabo.

Waxaa maxay ciladaha ay tahay in dukaangu sameeyo?

Wuu ciladaysan yahay

Waxaad xaq u leedahay in aad celiso shay cilad leh, alaabooyinka iyo adeegyadu waa in xaalad la aqbali karo yihiin.

Shay wuu ciladaysan yahay hadii shaygu:

  • samaynayn wixii sida caadiga ahayd in uu sameeyo ahaa - Tusaale ahaan, Rooti diiriyahaygu uu diirinayn rootiga
  • cilad leeyahay - waqti sheegaha rooti diiriyahaygu wuu soo dhacay wax yar ka dib markii aan soo gaday
  • aan la aqbali Karin muqaalka iyo dhamaystirka - rooti diiriyahaygu uu xoqon yahay
  • uu khatar yahay - rooti diiriyahaygu dab bixinayo
  • uuna cimri dheer lahayn - rooti diiriyahaygu uu jabo sadex bilood ka dib markii aan soo gatay.

Xaq uma lihid in aad soo celiso shay markii:

  • dukaangu kuu sheego (ama uu ku tuso calaamad) ku saabsan cilado qarsoon ka hor inta aadan gadan
  • aad baadhay shayga ka hor inta aadan gadan oo aadan ka helin cilado ay ahayd in aad ogaado
  • aad u isticmaasho shayga si aan caadi ahayn
  • aad isticmaasho shayga mudo aad u dheer.

Waxaan kaliya ogaaday in shaygu cilad leeyahay ka dib markii aan isticmaalay

Waad celinta kartaa shay cilad leh xataa haddii aad:

  • xidhatay ama isticmaashay
  • aad ka fujisay tigidhka ama sumada
  • aad ka saartay baakatii cusbayd.

Waxaan gatay shaati waana xidhay dhawr jeer, laakiin rinjugu hadii uu ka dhaco marka ugu horeysa ee la dhaqo, xataa haddii aan raaco tilmaamaha ku qoran tigidhka.

Uma eka tusaalaha ama tusaalaha la soo bandhigay

Markii aad gadato shay ku salaysan tusaalaha ama tusaalaha la soo bandhigay, waa in uu u ekaadaa tusaalaha, Haddii shaygu uu ka duwan yahay oo aadan gadateen, waxaad xaq u leedahay lacag celin.

Waxaan dalbaday kursi fadhi oo u eg maradii la itusay, laakiin markii ay timid, way ka duwanayd noocii la itusay.

Way ka duwanadayd sharaxaadii

Shaygu waa khasab in uu u ekaadaa sharaxaada (tusaale, tigidhka ama Xayaysiinta TV). Haddii ay ka duwan tahay sharaxaada oo aadan iibsateen, waxaad xaq u leedahay in laguu soo celiyo lacagta.

Waxaan iibsaday boorsada jeebka oo lagu sheegay buuga dukaanka in ay tahay maqaar. Markaan guriga gaadhay, waxaan ogaaday in ay runtii tahay caag.

Ma samaynayso wixii uu yidhi qofkii gadayey

Waad celin kartaa shay haddii uu samaynayn wixii qofka gadaya kuu sheegay in ay samayn.

Waxaan iibsaday saacad taas oo qofkii gadayey uu yidhi waan isticmaali karaa markaan mukhuuranayo-Laakiin markaan ku xidhay bada, waxaa ka buuxsamay biyo.

Ma samaynayso wixii aan waydiistay

Waad soo celin kartaa shay, kaas oo aan samaynay shaqo gaar ama fulinayn ujeedo gaar ah hadii:

  • ka hor intaadan gadan, aad u sheegtay gadaha waxa aad rabto in ay qabato, ama
  • aad isku haleyso talada dukaanka markaad dooranayso shayga.

Waxaan u sheegay gaari-gadaha waxaan rabaa gaari aan ku jiidi karo doontayda. Gaari-gadaha waxa uu iga gaday mid, uu yidhi way qaban shaqadaas. Habeenkaas ayaan akhriyey buuga isticmaalka, waxaana ogaaday in gaariga cusub uuna si amaan ah uu u jiidayn doonta.

Waan ka noqday

Dukaan kuuma ogalaanayo in aad soo celiso shay in aad kaliya ka noqotay. Laakiin, dukaamada qaar waxay leeyihiin siyaad u gaar ah dukaankooda oo kuu celin lacagta, ku badali ama dabaaji qoraal ah oo waan ka noqday iibabka ah ku siin.

Ma haysto rasiid

Waxaad u baahan tahay in aad cadayso in aad shay ka gadatay ganacsigaas. Haddii aadan haysan rasiidka qasnada lacagta, waa tusi kartaa, tusaale ahaan:

  • warbixinta kaadhka daynta
  • heshiiska dabaaji dhigasho
  • xaqiijin ama tirada rasiidka telefoonka ama gadashada onleynka.

Waxaan ku helay hadiyad

Hadiyad qaatayaashu waxay leeyihiin xuquuq lacag celin la mid ta iibsadayaashii tooska u gaday la mid ah-Laakiin waxaad soo celin kartaa kaliya shay haddii aad hayso cadayn gadasho. Arag kor.

Waxaan ku gatay xaraash

Waxaad leedahay xuquuq lacag celis la mid ah alaabo gadasho sidii adigoo lacag qiimo buuxa ah alaab ku gatay. Tana waa sababta ay sharci daro u tahay in aad soo bandhigto alaab ay ku qorontay ‘Maya lacag celis’.

Laakiin, ma dalban kartid lacag celis cilado dukaangu uu kuu sheegay, ama kuwaas aad ogaatay markaad baadhay shayga - Tusaale ahaan, tigidh ku dhagan shaatiga oo odhanaya ‘cilad yar oo tolma ah ayuu qabaa’.

Calaamadaha alaabada ‘xaraashka’ ah waxa ku jira:

  • waa la jabiyey
  • birta alaabada ‘xaraashka iyo duuga’
  • waxa laga soo gaday warshada.

Waxaan iibsaday alaabo la isticmaalay

Ka timid dukaanga: Waxaad leedahay xuquuq lacag celis alaabada la isticmaalay oo la mid ta aad ku leedahay alaabada cusub, laakiin waa in aad ku xisaabtantaa cimriga alaabada, qiimaha iyo xaalada uu ku jiro xilaga la gadayey.

Ka timid gade qof ah: Gadaha sharci kuma aha in uu celiyo lacag, badalo, dayactiro shay aad ka gadatay iyaga (Tusaale ahaan, garaash ku iibin ama dariiqo xayeysiin gaar ah).

Waxaan ka gadatay onleyn

Haddii aad ka gadatay ganacsi Ostaraaliya ah oo onleyn ah, waxaad leedahay xuquuq lacag celis oo la mid markaad ka gadato dukaanga-ilaa aad ka gaday shayga qof caadi ah mooyee. Arag kor.

Waxaan xaq u leeyahay mag dhaw. Ma helayaa lacag celis, dayactir ama badalaad?

Waxay ku xidhan tahay hadii cilidu tahay:

Wayn - aan la samayn karin, ama qaadan waqti dheer ama aad u adag in la sameeyo

Waad dooran kartaa in aad:

  • celiso shay ama doorato lacag celis ama badalaad, ama
  • aad xafido shayga si aad u hesho mag dhawga qiimo dhicista ah.

Yar - lagu samayn karo waqti macquul ah

Waa in aad siisaa dukaanga waqti uu ku samayn karo cilada. Waxay dooran in ay lacagta ku celiyaan, dayactiraan ama badalaan. Haddii dukaangu doorto in uu dayactiro shayga, waa masuuliyadooda in ay ku celiyaa ama la tacaamulaan sameeyaha.

Haddii dukaanku qaato waqti dheer ama uu diido in uu sameeyo cilida, waad:

  • celin kartaa shayga ama codsan kartaa lacag celis ama badalaad, ama
  • raadin kartaa qof kale oo dayactira shayga ama waydiin kartaa dukaanka in uu bixiyo xarash macquul ah.

Warar dheeraad

Warar dheeraad, arag Qaybtana adeegashada.