Bilaabida kiraysiga
Inta aadan bilaabin kiraysiga, waxaad u baahan doontaa inaad hesho heshiiska kiraysiga oo qoran ama af ah aadna haysato lacag kugu filan oo lagu bixiyo curaarta (bond).
- Heshiiska kiraysiga (waxa kale oo loogu yeeraa ijaarasho) waa cahdi u dhexeeya adiga iyo qofka leh guriga aad ijaaranayso. Wuxuu muujiyaa ijaarka, curaarta, mudada iyo nooca kiraysiga iyo xaalladaha kale iyo shuruucda.
- Xaqiiji inaad fahamtay wax walba oo ku yaalla heshiiska kiraysiga ka hor intaadan saxiixin.
- Waa inaad heshaa qofka guriga leh faahfaahintiisa.
- Dadka guryaha leh badankood waxay ku weydiin doonaan inaad bixiso curaar. Haddii aad ka dhigi weyso guriga nadiif, waxyeesho guriga ama lagugu leeyahay ijaar dhamaadka kiraysiga, cidda aad guriga ka degan tahay waxay qaadan kartaa qayb ka mid ah ama dhamaan curaarta.
- Haddii qofka aad guriga ka degan tahay qaato curaarta, waxaa waajib ku ah:
- Inay ku xereeyaan xafiiska hay’ada Residential Tenancies Bond Authority
- Inay ku siiyaan foomka xeraynta curaarta si aad u saxiixdo
- Inay diyaariyaan warbixinta guriga, taas oo muujinaysa xaallada guriga.
- Inaad la xiriirto xafiiska hay’ada Residential Tenancies Bond Authority haddii aadan ku helin risiitka curaarta muddo 15 berri ah gudahood.
- Risiitka curaartaadu waa muhiim – ha iska lumin. Marka kiraysigaagu dhamaado waxaad u baahan doontaa risiitka si aad u dalbato in laguu soo celiyo curaarta.
- Cidda aad guriga ka degan tahay waa inay ku siiyaan laba koobi oo saxiixan intaadan guriga u guurin. Iska hubi guriga inuu amaan yahay una sheeg ciddaad guriga ka degan tahay haddaad dareentay wax khatar ku ah aminga guriga, sida deyrka harada biyaha oo aan amaan ahayn ama dhibaato muuqata oo korontada. Eeg guriga ka dibna buuxi foomka, adiga oo xusaya dhaawac kasta oo ku yaalla sida dilaac, calaamado derbiga ah, ama handaraab jaban. Sidoo kale ku xus warbixinta haddii aad diidan tahay waxa qofka guriga leh ama wakiilku gurigu soo qoreen.
- Ku celi hal koobi oo saxiixan oo warbixinta guriga ah cidda guriga leh ama wakiilka guriga saddex maalmood ka dib markaad u guurto.
- Xafid koobiga xaallada warbixinta guriga. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato dhamaadka kiraysiga haddii uu jiro muran ka taagan cidda bixinaysa nadiifinta, khasaarada gaartay guriga, iyo kharajka bedelida sheyga maqan.
- La xiriir shirkadaha bixiya biyaha, korontada, gaaska iyo telefoonka si aad u xaqiijiso inay xiran waqtigaad u guurayso. Guud ahaan, waa masuuliyaadada inaad qabanqaabiso adeegyadaan aadna bixiso biilasha.
Mudada kiraysiga
Waxaa jira masuuliyaad iyo waajibaad markaad kiraysanayso guri.
Ka bixida kiraysiga
Markaad doonayso inaad ka guurto guriga aad degan tahay, waxaa waajib kugu ah inaad siiso cidda aad guriga degan tahay mudada ogeysiinta loo baahan yahay kagana baxdo guriga xaallad wanaagsan oo nadiifa.
- U sheeg cidda aad guriga ka degan tahay markaad rabto inaad ka guurto guriga.
- Ka hubi xarunta hal-abuurka farshaxanka ee qoysaska leh carruur gaaraya 12 sanadood. Waxaa xafiiskayagu ku yaalla meel u jirta shan daqiiqo Consumer Affairs Victoria si aad u ogaato ogeysiin intee le’eg ayaad u baahan tahay. Taasi waa isbedeshaa iyada oo ku xiran xaalladaada.
- Kala hadal soo celinta curaarta qofkaad guriga ka degan tahay ama wakiilkiisa.
- Buuxi foomka curaarta kuna soo celi Residential Tenancies Bond Authority. Foomka waa inuu saxiixaan adiga, qofka guriga leh ama wakiilkiisa.
- Ha saxiixin foomka curaarta haddii aadan ogolayn inta qofka guriga lihi kugu sheeganayo. La xiriir Consumer Affairs Victoria wixii talo lacag la’aana.
- Marna ha saxiixin foom aan buuxin oo curaarta.
- Bixi ijaar kasta oo lagugu leeyahay iyo biilasha.
- Nadiifi guriga qaadano waxaad leedahay oo dhan.
- Hay warbixinta xaallada guriga si ay kuu anfacdo haddii khilaaf yimaado.
- U dhaaf cinwaan iyo nambar telefoon oo uu kaa soo waco wakiilka guriga ama kan leh.
Waxyaallaha muhiimka ah ee la xasuusanayo
- Marna waxba ha saxiixin ilaa aad ka fahamto waxa looga jeedo.
- Weligaa ha saxiixin foom aan wax ku qornayn, xataa haddii uu u eg yahay mid rasmi ah.
- Hayso koobi wax kasta oo aad saxiixdo.
- Weydiiso risiitka mar kasta oo aad bixiso wax.
- Ku hayso meel amaan ah risiitka curaarta iyo risiityada kale ama dayactirada.
- Ka raadi talo lacag la’aana Consumer Affairs Victoria haddii aad qabto wax su’aal ah.
Macluumaad intaas ka badan oo kiraystayaasha ee afka Soomaaliga, booqo websaytka Ururka Kiraystayaasha reer Fiktooriya (Tenants Union of Victoria TUV website). Ururka Kiraystayaasha reer Fiktooriya (TUV) ayaa iyaguna siiya macluumaad kiraystayaasha guryaha dadweynaha iyo gurisiinta bulshada.
Last updated: 23/04/2012