Iibka albaabka la keeno

Skip listen and sharing tools

Xuquuqda Australia gudaheeda 

Waxaa maxay iibka albaabka la keenaa?

Waxa la iibinayo ee albaabkaaga la keeno waxaa ku jira dad: 

  • isku deyaya inay kaa iibiyaan badeeco 
  • isku deyaya inay dayactir ku sameeyaan gurigaaga
  • inay ku weydiiyaan bedelida gaaska, korontada, telefoonka ama kuwa bixiya internet-ka. 

Goorma ayuu qofka wax iibinayaa iman karaa gurigaaga? 

Qofka wax iibinaya waxaa loo ogol yahay inuu yimaado gurigaaga inta u dhexaysa: 

  • 9.00 subaxii iyo 6da maqribkii Isniinta ilaa Jimcaha 
  • 9.00 subaxii iyo 5ta casarkii Sabtida.

Ma awoodi karaan Axada ama maalmaha fasaxyada. 

Si kasta ha ahaatee, iibiyaha ama wakiilkiisa ayaa laga yaabaa inuu ku soo booqdo waqti kasta oo aad ogolaato. 

Dadka noocaan ah sharcigee qabanaya? 

Markuu yimaado albaabkaaga, qofka wax iibinaya waxaa waajib ku ah: 

  • inuu kuu sheego booqashada 
  • inuu kuu sheego magaca iyo shirkada uu u shaqeeyo 
  • inuu kuu sheego inay baxayaan haddaad u sheegto in uu baxo(haddaad weydiisato qofka wax iibinaya inuu inay kaa tagaan, kulamana soo xiriiri karaan ugu yaraan 30 berri)
  • inay kuu sheegaan wixii ku saabsan xuquuqdaada inaad ka bixi karto heshiiska (kan waxaa ka mid noqon kara sida looga baxo heshiiska) 
  • waa inay ku jirto faahfaahin buuxda oo heshiiska ay la saxiixdeen iyaga oo wakiil ka ah shirkada 
  • inuu bixiyo koobi qoran oo heshiis kasta ka hor intaan la saxiixin
  • in aan la weydiin lacag 10 maalmood oo la shaqaynayo gudahood 
  • in aan la bixin badeecada lagu qiimeeyey in ka badan $500, 10ka maalmood oo heshiiska la galay dhexdooda 
  • in aan la bixin adeegyo 10ka berri oo heshiiska la galay gudahooda. 

Ma xiisanayo waxa iibiyuhu ii ogol yahay … maxaan samayn karaa? 

  • Dheh, ‘mahadsanid, ma rabo’. 
  • ha dareemin inaad ku khasban tahay inaad wax ka gadato qof yimid albaabkaaga. 

Had iyo jeer dheh ‘maya’ haddii iibiyuhu: 

  • ku siiyo fursad u muuqta wax fiican oo run u eg 
  • ku weydiiyo lacag bixin ka hor inta aanay keenin badeeco ama adeeg 
  • u dhaqmo hab kaa xanaajiya ama kaa dhiga qof aan qanacsanayn. 

Dad iska dhigaya inay ka socdaan dawlada 

  • Dad yimaadaan albaabkaaga iyaga oo sheeganaya inay ka socdaan xukuumada sida Australian Taxation Office ama Centrelink. 
  • ku weydiiyaan faahfaahinta bangiga, sida, inaad bixiso cashuurcelintaada ama siyaadiso lacag bixinta Centrelink. 
  • Waxay isticmaali karaan faahfaahintaan si ay u xadaan lacag ama aqoonsigaaga. 

Xasuuso: Taxadar haddii qof yimaado albaabkaaga uuna sheegto in uu ka socdo dawlada. Had iyo jeer weydii aqoonsigooda. Xaalladaha badankood qaybaha ka tirsan dawladu sidaas kuulla xiriiri mayaan.

Ma xiisaynayo waxa iibiyuhu ii ogol yahay … maxaan samaynayaa? 

Haddii aad ogolaato inaad wax ka gadato iibiyaha, waxaa lagu weydiin doona inaad saxiixdo heshiis. Waxa waajib ah in heshiisku:

  • ku qoran yahay luqad waadax ah oo la fahmi karo
  • ay ku jiraan dhamaan shuruuduhu 
  • ay ku jiraan qiimaha oo dhan, ama sida loo xisaabiyey 
  • ay ku jiraan dhamaan kharajka boostada iyo keenida
  • ay ku jiraan magaca iibiyaha iyo halka lagala xiriirayo 
  • ay jirto faahfaahinta iibiyaha sida cinwaanka iyo halka lagala xiriirayo
  • waa inuu saxiixaa adiga iyo qofka iibinayaa
  • waa in si waadax ah loo qoraa ama daabacaa (in kasta oo isbedel lagula samayn karo qalin lana saxiixi karo)
  • waa in uu ka kooban yahay macluumaad ku saabsan xuquuqdaada inaad ka baxdo heshiiska
  • waa in si sahala loo fahmi karo 
  • waa in uu la socdaa foom sharxaya xuquuqdaada haddii aad bedesho go’aankaaga. 

Xasuuso: haddii aadan ku hadlin Ingiriis fiican, maaha wax la ogol yahay inaad u isticmaasho ilmahaaga mutarjum si aad u saxiixdo heshiis. Inta aadan saxiixin waxba waxaa waajib kugu ah inaad weydiiso koobiga heshiiska oo ku qoran afkaaga. 

Waxaan saxiixay heshiis waxaana bedelay go’aankayga ….. maxaan samayn karaa?

Haddii aad ogolaato inaad gadato badeeco ama adeeg ka badan $100 oo ka gadato iibiyaha albaabka yimaada, waxaad haysataa 10 berri oo la shaqaynayo inaad bedesho go’aankaaga wixii heshiiska ku saabsan. Tan waxaa loogu yeeraa waqtiga ‘ka baaraandegida’. Haddii, waqtigaan, aad go’aansato in aanu kuu fiicnayn, waad ka bixi kartaa gadashada taas oo aan waxba kugu kalifayn. 

Haddii aadan go’aan ka gaarin, iibiyuhu waa inuu kuu sheegaa inaad xuquuqdaan leedahay. Haddii aad bedesho go’aankaaga mudada ‘ka baaraandegida’, iibiyaha ama kan ganacsiga leh looma ogola inuu: 

  • ku weydiiyo ‘ka dhaafid’ (joojinta) mudada ka baaraandegida
  • kugu cadaadiyo inaad ogolaato adiga oo aqbalaya heshiiska 
  • kugu soo dalaco kharajka ka bixida. 

Heshiiska waxaad uga bixi kartaa qoraal ama hadal afka laga yiraahdo. 

Qof baa yimid albaabka wuxuuna ku weydiiyey inaad rabto inaad bedesho bixiyaha gaaska ama korontada

  • waxay kuu sheegeen in shirkadoodu ku siin doonto heshiis lacag badan kuu dhaafi doona. 
  • iibiyuhu wuxuu kugu dedejiyey inaad saxiixdo heshiiska isla markiiba. 
  • Waxaad dareentay cadaadis waana saxiixday. 
  • maalintii dambe, waxaad dareentay in aadan doonayn heshiiska. 

Xasuuso: 

  • ha dareemin inaad ku khasban tahay inaad saxiixdo, waxaad weydiin kartaa iibiyaha in uu kuu dhaafo macluumaad si aad u akhrido 
  • haddii aad saxiixday, aadna dareentay inaad bedesho go’aanka waxaad ka haysataa xaqa ‘ka baaraandigida’ 
  • la xiriir shirkada iibinta 10 maalmood oo shaqo dhexdooda si aad ugu sheegto inaad bedeshay go’aankaagii
  • shirkada iibintu waxba kuma weydiisan karto bedelida go’aankaaga dartiis.

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan iibka guriga la keeno oo laga yaabo in aanu sax ahayn gal www.scamwatch.gov.au.