Khaaimiinta Safraya

Skip listen and sharing tools

Khaaimiinta safraya waa rag ku shaqeeya ganacsi been ah kuwaas oo gaaraca albaabada guryaha la degan yahay iyo ganacsiyada yaryar, iyaga oo sheeganaya inay samaynayaan dayactir.

Badanaa waxaa la arkaa xilliga kulaylaha iyo marka ay dhacaan masiibooyinku, sida duufaanaha, dabka iyo daadadka, marka dadku ay nadiifinayaan ama dayactirayaan guryahooda.

Khaaimiinta safarayaa waxay bixiyaan shaqooyin sida shamiitaynta irida guriga laga soo galo, ranjiyeynta iyo nadiifinta kaarbitka oo qiima jaban ah. Badanaa dadka waxay saaraan cadaadis iyaga oo u sheegaya in lacagta la jabiyey ee khaaska ahi 'ku egtahay maanta'.

Waa maxay sababta aad isaga ilaalinaysaa?

Khaaimiinta safrayaa waxay weydiistaan lacag cadaana inta aanay bilaabin shaqada markaad lacagta siiso ka dibna dib uma arkayso.

Haddii ay wax shaqa ah qabtaan, badanaa ma dhameeyaan ama waa mustawe
aad u liita.

Dhaqsay u tagaan badanaana waxay bixiyaan magaca hore keliya iyo nambarka moobaylka - sidaas darteed in dib loola xiriiro waa adag tahay.

Maxaad eegaysaa?

Ka dareen qab dadka:

  • Garaaca albaabkaaga iyaga oo aan la filanayn kuguna qalqaalinaya inaad:
    • Ranjidu guriga
    • Ka shaqeeyo jardiinada ama jaro dhirta
    • Shamiito mariyo halka guriga laga galo
    • Uu hagaajiyo saqafkaaga
  • Uu kula soo qaado hawlqabasho raqiis ah isaga oo adeegsanaya erayga 'maanta keliya'
  • Ku weydiisanaya lacag cadaana oo horumaris ah
  • Kugu qalqaalinaya inuu kuu kaxeeyo bangiga si aad ula soo baxdo lacag aad ku bixiso hawsha la qabanayo
  • Kugu cadaadinayaa inaad aqbasho waxay kaa gadayaan
  • Waxay leeyihiin waan qaban karnaa shaqada hadda maadaama uu ka baxay qof kale oo agagaaraha degan.

Xafidaada naftaada - waxaad ka yeellayso si aad wax uga qabato khaaimiinta

Haddii aad dareento in khaaimiinta safraysaa albaabkaaga garaacayaan ha ka furin.

Haddii aad la hadasho, u sheeg inay iska tagaan. Haddii ay diidaan inay tagaan, waxay jebinayaan sharciga.

Diid hawsha riqiiska ah ee laguu soo jeediyey. Waxaa laga yaabaa in dhibaata ka badani kaaga timaado aakhirka.

Haddii aad doonayso in hawl laga qabto gurigaaga:

  • Raadso qiimaha kugu haboon
  • Isticmaal dadka hawshaan yaqaan oo ku siinaya qoraal ku saabsan waxay qabteen
  • Weydii meesha lagala xiriirayo dadkii hore oo ay wax u qabteen, si aad u hubiso waxay qabteen
  • Ha saxiixin wax heshiis ah ilaa aad diyaar ka noqoto
  • Weydii qofka shaqada qabanaya magaciisa oo buuxa iyo diiwaanka ama faahfaahinta laysanka (haddii ay suurtagal tahay) si aad uga hubiso cidda ay ka tirsan yihiin
  • Weydii nambarka ganacsiga, si aad u wacdo oo uga xaqiijiso haddii hawlqabtuhu u shaqeeyo iyaga.

Khaasatan marka masiibooyinku dhacaan, iska ilaali qof kasta oo ku soo jeedinaya wax qabad ku 'siman maanta' si uu fuliyo dayactir la bixinayo lacag cadaan ah. Wixii talo ah oo la xiriira masiibada, arag bogga afka Ingiriiska ku qoran ee ah Advice in a disaster.

Talaaba sharci ah ka qaadida khaaimiinta safraysa

Si aad nooga caawinto in aan u digno bulshadaada u sheego wixii ku saabsan hawlqabadka khaainimada ku salaysan, fadlan ku qor bogga warbaahinta bulshada afka Soomaaliga. Haddii aad taqaan khaaimiinta safraysa ee agagaarkaaga:

  • Diiwaangeli wixii macluumaad ah oo aad awoodo, sida magacooda iyo taarikada gaariga ay wataan
  • Wac khadka loogu talagalay Khaaimiinta safraysa ee qaranka oo ah 1300 133 408 inta u dhexaysa 8:30subaxii ilaa 5:00galabtii maalinta Isniinta ilaa Jimcaha (marka laga saaro maalmaha fasaxa)
  • U sheeg booliiska agtaada ah
  • Ugu dir twitter adigoo isticmaalaya Twitter hashtag #stopconmen nagalana soco @consumervic wixii cusub oo ku saabsan goobta khaaimiinta safraysa
  • Ka soo geli National Travelling Con Men Facebook bogga ah facebook.com/StopTravellingConMen
  • listen to our information in Somali:
Skip audio: tcmSomali
Audio skipped