Heshiisyada telefoonada gacanta - talooyin ku socda maamiisha

Skip listen and sharing tools

Ka hor intaadan gadan Telefoonka Gacanta

Fahan macnayaashan:

  • Adeeg bixiye: Shirkada ku xidhay telefoonkaaga gacanta xidhiidhka aad telefoon ku wici karto ama iimayl aad ka diri karto
  • Kharashka adeega fariin: gaaban: qoraalka fariinta loo isticmaalo adeegyada sida codaynta telefishinka, tartamada iyo ogolaanshaha in aad adeeg hesho. Haddii aad doorato in aad u dirto ama u jawaabto adeega fariin gaaban, waxa laga yaabaa in aad saxeexdo adeeg qiimaha wicitaankiisu aad u qaali yahay. Waan wax aad u adag in ka baxdo isaga oo aadn ku bixin lacag badan
  • Wicitaanka dibada: ku isticmaalida telefoonkaaga gacanta dibada si aad u wacdo ama u hesho wicitaano. Taas waxay noqon kartaa qaali.hubi in aad akhriso macnayaasha iyo shuruudaha si aad u ogaato imisa ayaa bixin doontaa adeegan
  • 32GB/16GB: Tirooyinkan waxay caadi uga muuqdaan heshiiska. Tix raac awooda kaydka ee telefoonkaaga gacanta, ee ha tix raacin macluumaadka laguu ogol yahay in aad soo qaadato. Acd muuqdaan cadaynaas waxay noqon kartaa qaali. Hubi in aad akhriso macnayaasha iyo shuruudaha si aad u.

Go'aanso:

  • Imisa wicitaan iyo fariin ayaa laga yaabaa in aad samayso
  • Imisa macluumad ayaad u baahan doontaa. Tusaale ahaan, Haddii hubiso iimaylada ama baadhista internetka ee soo noqnoqata, waxa laga yaabaa in aad u baahato ogalaanshaha macluumaad soo qaadasho sare oo bila ah - si caadiga ah 1GB or 2GB bishiiba. Hubi adeeg bixiyaha shabakadiisa warbixin dheeraad oo ku saabsan macluumaad isticmaalida
  • Mudo intee dhan ayaad dooni in aad heshiiska ku jiri. Heshiisyadu waxay u dhexeeyaan 12 ilaa 36 bilood. Haddii aadan ku qanacsanayn saxeexida heshiishka, tijaabi hor marinta adeega koowaad. Marka kaadhka dib u lacagayntu kaa dhamado, waad dooran kartaa in aad adeeg xidhiidhiya ku sii jirto ama aad doorato ku kale.

Hubi in aad:

  • In aad shirkada badan wacdo oo aad is barbar dhigto qiimayaasha, shuruudaha iyo heshiisyada
  • Soo qaado warbiximaha ku saabsan adeegyada iyo qiimayaasha iyaga oo qoraal ah
  • Fahan qiimayaasha haddii badasho ama aad jabiso heshiiska, ama haddii telefoonkaagu jabo, lumo ama la xado
  • Akhri waraaqaha damaanada si aad u ogaato waxa ay ku qaban iyo waxa ayna ku qabanayn
  • Ogow sida laguugu qiimayn haddii aad telefoonkaaga ku wacda dibada.

Raadi:

  • Telefoonka gacanta ee si fudud loo isticmaali karo
  • Heshiis aad awoodo
  • Adeeg bixiye leh khadad fiican oo meesha aad degan tahay ah.

Xasuusnow:

  • Inta badan waa in aad bixisaa wax badan si aad u jabiso heshiis ka hor inta uuna dhamaan
  • Adeegyada qaarkood waxay leeyihiin kharash dheeri ah - Fariin duubida, telefoon gudbinta, qiimaha adeega fariinta gaaban dirida, shabakad fiirinta, gadasha waxyaalaha la isticmaalo iyo wicitaanada dibada
  • Hubi adeeg bixiyaha shabakadiisa ama booqo dukaankooda saad u aragto, haddii aad heli doonto khadka telefoonka meesha aad joogto waad isticmaali telefoonkaaga gacanta
  • Waxa laga yaabaa kharash dheeri ah oo ku socda telefoonkaaga wicidiisa ama xadidka macluumaad laguu ogol yahay.

Balan qaad ama damaanda telefoonada gacanta

  • Xafid rasiidada ama heshiisyada cadaynaya telefoonka aad gadatay.
  • Ganacsatada yaryar iyo adeeg bixiyaasha ma aha in ay bixiyaan deen ama telefoon badalid inta damaanada dayactirka lagu jiro. Intaas ka dib qaar ayaa siyaasad ay saas ku sameeyaan.
  • Iyada oo ku xidhan waqtiga heshiiskaaga iyo shuruudaha, waxa laga yabaa in aad sii bixiso biilkaagii bilaha ahaa inta la samaynayo telefoonkaaga. Wixii war ah ee intaas dheer eek u saabsan damaanada, fiiri qaybtayada damaanadaha.
  • Sidoo kale waxaad xaq ku leedahay sharciga macaamiisha ee oostaralia. Haddii telefoonkaaga gacanta joojiyo shaqada, waxa laga yaabaa in aad awoodo in aad waydiisato lacag celin ama in laguu badalo telefoonka. Wixii Warbixin dheeraad ah, arag bogayaga lacag celinta, dayactirka ama badalaada.

Ka hor inta aadan saxeexin heshiiska telefoonka gacanta

  • Had iyo jeer akhri heshiiska - haysku halayn kaliya waxa uu kuu sheegay qofka wax gadaya. Heshiiska telefoonka gacanta waa sharci in la fuliyo ay tahay. Sida caadiga ah way adag tahay waana qaali in laga baxo.
  • Ka digtoonow kharashka qarsoon iyo xiliga heshiiyada aan xaqa ahayn. Wixii warbixin dheeraad ah, arag adeeg bixiyaasha telefoonka gacanta - boga waqtiyada heshiisyada aan xaqa ahayn.
  • Waligaa ha saxeexin heshiis aadan fahmin - waydii qof fahmaya heshiiyada kuuna sharaxa.
  • Hubi imisa ayuu noqon biilka bilaha ah, iyo kharashka dheeriga ah. Xaqiiji in aad bixin karto kuwaas inta lagu jiro heshiiska.
  • Haddii aad ka gadato telefoonka iyo xidhiidhka khadka ganacsade yar, waxa laga yabaa in aad galayso labo heshiis oo kala duwan - mid ganacsadaha yar oo telefoonka ah, mid kalana aad la gali adeeg bixiyaha oo khadka laguu xidhay. Kan macnihiisuna waa in ganacsada kaa gaday telefoonka in uu kaa caawiyo haddii telefoonku cilad qabo, laakiin maya xidhiidhka khadka uu dhib qabo ama xumaado.
  • Uga fikir si taxadar leh ka hor in aadan damiin ka noqon heshiiska uu galo qof 18 ka yar – waxaad bixin doontaa biilkooda hadii ay bixin kari waayaan.
  • Wax badan ka ogow xuquudaada iyo saad ugu dhaqmi lahayd boga heshiisyada.

Saxiixida heshiiska telefoon gacanta ka dib

  • Meel adag ku xafid waraaqaha heshiiska si aad u soo xigato mar danbe hadii loo baahdo.
  • La socodsii adeeg bixiyaha haddii xaaladaadu is badasho. Tusaale ahaan, haddii telefoonkaaga gacantu lumo ama la xado ama aadan awoodin aad bixiso biilasha.

Maamulida biilka telefoonkaaga gacanta

  • Hubi macluumaadka aad isticmaalayo si joogta ah - waxa laga yaabaa in aad iska ilaaliso biilal badan.
  • Ogow imisa ayaa biilkaagu noqon doona, waydii adeeg bixiyahaaga kharashka aan caadiga ahayn.
  • Haddii aad u baahato in lagaa caawiyo qorshaha ama xisaabinta dib lacago u gudida, la xidhii National Debt Helpline.
  • Bixi biilkaaga waqtiga uu joogo, haddii aadan ku bixin, waxa laga yaabaa in kharash dheeraad ah lagaa oo ku saabsan biilka aad la daahday.

Markay wax khaldamaan