Iibsashada gaari

Skip listen and sharing tools

Warbixinta soo socota waxay ka caawin doontaa in aad gaarto go’aannada habboon marka aad gaari iibsanayso.

Ka hor inta aadan gaari iibsanin 

1. Soo kala baar 

  • Isku eeg qiimeyaasha kaladuwan ee ku xayaysiisan wargeysyada iyo internetka. Tag dukaanno kaladuwan oo gawaari lagu iibiyo. 
  • Waxaad ka wada xaajoon kartaan qiimaha, gaar ahaan haddii aad iibsanayso gaari la soo isticmaalay.
  • Majallada iyo bogagga internetka ee gawaarida ku saabsan ayaa ku deeqi kara warbixin ku saabsan waxqabadka, kharashka shidaalka, sifooyinka badbaadada iyo macluumaadka kale ee gaariga ku saabsan.
  • Soo hel warbixinta ku saabsan kharashyada dayactirka joogto ah ee gawaarida kaladuwan. Tusaale ahaan, gawaarida la soo dejiyey ayaa ka kharash badnaan kara in baaris ama dib u hagaajin lagu sameeyo. 
  • Ilaha soo socda ayaa laga heli karaa warbixin fiican: 

2. Meelo kaladuwan ka soo eego deynka lagu 
    iibsado iyo caymiska

  • Shirkadaha gawaarida iibiya ee shati leh waxay intooda ugu badan bixiyaan deyn lagu iibsado. Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa in aanay taasi adiga kuu ahayn fursadda kuugu qiime jaban ama kuugu fiican.
  • Weliba fiiri saamiyada iyo ujrooyinka bangiyada, ururrada deynka iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee amaah bixiya.
  • Ha saxiixin qandaraas aad gaari ku iibsanayso ilaa aad hesho oggolaanshaha amaahda.
  • Inkastoo aanay waajib ahayn, waxaa fiican in aad caymis qaadato haddii aad gaari iibsanayso. Caymisku waxuu kaa ilaaliyaa kharashyada ku saarmaya haddii aad shil gasho ama gaarigaaga la xado, la xumeeyo ama la kharribo.
  • Waxaad caymis ka heli kartaa shirkad kastoo aad rabto. Hubi in kharashka caymiska aad ku darto miisaaniyaddaada.
  • Kharashyada caymisku waxay u kaladuwan yihiin noocyada kaladuwan ee gawaarida iyo qiimayntaada darawalka. Waxaad weliba lacag dheeraad ah bixin kartaa haddii adiga ama qof kaloo 25 jir ka yar aad wadi doontaan gaariga. 

3. Dooro habka ugu fiican ee gaari loo iibsado

  • Guud ahaan, gawaarida cusub intooda ugu badan waxaa laga iibsadaa shirkad gawaarida iibisa oo shati leh. 
  • Hase yeeshee, waxaad weliba gaari la soo isticmaalay ka iibsan kartaa qof khaas ahaan u iibinaya ama shirkad xaraashid. Hubi in aad doorato xulashada adiga kuugu fiican.
  • Mararka qaar waxaa kaaga jabnaan karta in aad gaari ka iibsato qof khaas ahaan u iibinaya ama shirkad xaraashid, laakiin taasi way ka halis badan tahay, maxaa yeelay meelahaas kuma lihid isla xuquuqda sharciyeed ee aad leedahay marka aad gaari ka iibsato shirkad gawaarida iibisa oo shati leh. Waxaa weliba dhici karta in aadan gaariga baari karin ka hor inta aadan iibsanin.
  • Waxaad xuquuq sharciyeed oo dheeraad ah leedahay haddii aad gaari ka iibsato shirkad gawaarida iibisa oo shati leh. Tusaale ahaan, waxaad haysataa saddex cisho si aad go’aankaaga uga noqoto ka dib marka aad saxiixdo qandaraaska gaariga.
  • Waxaad weliba helaysaa kafaalad marka aad gaari ka iibsato shirkad gawaarida iibisa oo shati leh. Kafaaladdu waxay ka dhigan tahay in aadan u baahan doonin in aad lacag ka bixiso haddii gaarigu uu cillado yeesho ka dib marka aad iibsato. 
  • Shirkadaha shati leh iyo dadka khaas ahaan u iibiya waxay labadooduba gawaarida ku iibiyaan internetka. Ka feejignow in aad iibsato gaari aadan shakhsi ahaan u arkin.
  • Qof aad aaminsan tahay u dir in uu si madaxbannaan u baaro xaaladda farsameed ee gaariga ka hor inta aadan iibsanin.
  • Ka feejignow haddii aad internetka ku aragto xayaysiis lagu xayaysiinayo gaari lagu iibinayo qiime aad uga jaban midkii la filayey. Waxaa laga yaabaa in ay taasi tahay khiyaamo lagu rabo in aad hore u bixiso damaaji gaariga laguugu hayo, marka gaarigu runtii uusan jirinba.

Marka aad gaari iibsanayso

1. Saxiixidda qandaraaska

  • Yaanan lagugu cadaadin in aad qandaraaska saxiixdo. Waqti u qaado si aad u fahanto qandaraaska. Haddii aadan fahmi karin, tus qof fahmi kara.
  • Isku day in aadan qandaraaska saxiixin marka ugu horraysa ee aad gaariga aragto. Waqti u qaado si aad uga fiirsato haddii uu gaarigaasi adiga kugu habboon yahay adigoo ka tagaya meesha lagu iibinayo.
  • Haddii qandaraaska ay ku jiraan waxyaabo aadan waafaqsanayn, kala hadal qofka iibinaya.

2. Ka noqoshada go’aankaaga

  • Xusuusnow, haddi aad qandaraas saxiixdo si aad gaari uga iibsato shirkad gawaarida iibisa oo shati leh, waxaad haysataa muddo ‘qaboobid’ oo ah saddex cisho oo la shaqeeyo. Waxay taasi ka dhigan tahay in aad haysato saddex cisho si aad uga noqoto go’aanka aad gaariga ku iibsatay.
  • Haddii aad ka noqoto go’aankaaga muddada saddex cisho ah gudaheed, qofka gaariga iibiyey waxuu la hari karaa: 
    • $400 ama boqolkiiba laba ee qiimaha lagu iibiyey, midkii sarreeya (gawaarida cusub), ama
    • $100 ama boqolkiiba hal ee qiimaha lagu iibiyey, midkii sarreeya (gawaarida la soo isticmaalay).

3. Kafaaladaha 

  • Xusuusnow, marka aad gaari ka iibsato shirkad shati leh, waxaad helaysaa kafaalad. Kafaaladdu waxay kaa ilaalin kartaa in aad lacag bixiso si aad u hagaajiso cilladaha laga yaabo in uu gaarigu mustaqbalka yeesho. Muddooyinka kafaaladdu waxay u kaladuwanaan karaan gawaarida cusub. Ma jiraan kafaalado laga bixiyo gawaarida laga iibsado qof khaas ah ama shirkad xaraashid. 
  • Marka gaari la soo isticmaalay aad ka iibsato shirkad shati leh, waa in ay kafaalad ku siiyaan haddii gaarigu:
    • uu 10 sano ka yar yahay, oo
    • uu soo maray wax ka yar 160,000 kiilomitir.
  • Kafaaladda qaanuuni ah ee gaariga la soo isticmaalay waxay socotaa saddex bilood ama 5000 kiilomitir, midkii soo horreeya. Shirkaddu waa in ay dib u hagaajiso cilladaha soo hoosgala muddada kafaaladda si ay u hubiso in uu gaarigu ku sugan yahay xaalad macquul u ah da’diisa.
  • Xataa ka dib marka ay dhammaato kafaaladda qaanuuni ah, haddana waxaad xuquuq ku leedahay Sharciga Macmiilka ee Australia haddii aad dhibaato kala kulanto gaarigaaga. Hase yeeshee, heerka badbaadintu waxuu ku xirnaan doonaa waxyaabaha ay ka mid yihiin da’da iyo xaaladda gaarigu.
  • Shirkadaha gawaarida iibiya waxay weliba ku deeqi karaan kafaalado dheeraad ah. Kafaaladahaasi waxay kordhiyaan muddada ku daboolan kafaaladdii asalka ahayd ee shirkadda gaariga soo saartay, taasoo caadi ahaan kharash dheeraad ah laga bixiyo. Waajib kuguma aha in aad qaadato kafaalad dheeraad ah. 

4. Garo caddadka lacagta ee aad dhab ahaan 
    bixinayso

  • Marka aad gaari ka iibsato dukaan gawaari oo shati leh, hubi in aad ogaato qiimaha ‘wadareed’ ama guud. Qiimaha wadareed waxaa ku jira kharashyo dheeraad ah sida canshuurta shaabadda iyo diiwaangelinta.

Ka dib marka aad gaari iibsato

1. Baarista aad ku samayso gaarigaaga

  • Hubi in aad si joogto ah baaris ugu samayso gaarigaaga. Waxay taasi kaa caawin doontaa in aad u dhawrto xaaladda iyo qiimaha. 

2. Dib u hagaajinta gaariga

  • Marka aad makaanig dooranayso, soo ogow haddii uu ka mid yahay ururro sida RACV iyo Rugta Ganacsiga ee Gawaarida ee Victoria (VACC), oo xubnahooda waajib ku ah in ay raacaan xeer habdhaqan.
  • Marka aad gaarigaaga u qaadayso baarista, makaanigga si cad ugu macnee shaqada loo baahan yahay in la qabto. 
  • Hore u hel qiimaynta kharashka, oo ka fiican in qoraal lagu helo.
  • Mararka qaar, makaaniggu waxuu heli karaa meelo kaloo ka xun gaarigaaga. Hubi in aad makaanigga u sheegto in uu horta ku soo waco ka hor inta uusan bilaabin in uu gaariga ka qabto shaqo dheeraad ah oo aadan adigu rukhsaynin. Hubi in wixii qiime ah qoraal lagu dhigo ka hor inta aadan oggolaan hawlahaas dib u hagaajinta.
  • Haddii adiga iyo makaaniggu aadan ku heshiin karin kharashka dib u hagaajinta gaarigaaga, waaxda Arrimaha Macmiilka ee Victoria ayaa kaa caawin karta in aad dhibaatada xalliso. Si aad faahfaahin u hesho, fiiri Boggayaga xallinta muran.

Gawaarida la kiraysto

  • Haddii aad gaari kiraysato, waa in shirkadda laga kiraysto ay hubiso in uu kaasi leeyahay tayo habboon.
  • Hubi in aad akhrisato oo aad fahanto heshiiska kiraysiga gaariga ka hor inta aadan saxiixin. Haddii aadan fahmi karin, tus qof fahmi kara.
  • Hubi in aad og tahay cidda ka masuul noqon doonta waxyeellada gaarta gaariga. Tusaale ahaan, kharash intee leeg ayaa caymiska lagu dabooli doonaa?