Xuquuqda iyo waajibaadkaaga la xiriira kireynta

Skip listen and sharing tools

Xusuusin: ujeedka boggan ayaa ah in la siiyo ururrada bulshada iyo ururrada u dooda nuqul ku qoran luuqadda Soomaaliga oo ah mid u dhigma bogaga kale ee aan ku bixinno qaybteenna Luqadaha kale. Macluumaadkeena oo buuxa kuna saabsan kireynta, ka eeg qeybtayada Kireynta.

Waxaad leedahay xuquuqo iyo waajibaad marka aad kireyneyso guri. Boggan wuxuu ku siinayaa hordhac ku saabsan kireynta wuxuuna kaa caawin doonaa inaad hesho macluumaad dheeraad ah haddii aad u baahato.

Fiktooriya waxay isbadal weyn ku sameysay sharciyada kireysiga sanadka 2021. Akhri waxa ku saabsan sharciyada cusub.

Boggan:

Go'aaminta in gurigu kugu habboon yahay iyo in kale

Markaad qof kula heshiiso inaad kireysato hantidiisa si aad ugu noolaato, waxaad geleysaa heshiis deegaan kiro ah. Kaasi waa dukumiinti sharci ah, waxayna qaadan kartaa waqti in la joojiyo heshiiska, marka waxaad u baahan tahay inaad ku kalsoon tahay in gurigu kugu habboon yahay.

Kahor intaadan galin heshiiska kirada, waxaa jira macluumaad qaas ah oo qofka wax kireynaya (milkiiluhu) ay tahay inuu kuu sheego. Kuwaas waxaa loo yaqaan xogta lala wadaagayo kireystaha oo eey qasab tahay in la bixiyo (mandatory disclosures). Waxaa ka mid ah kuwan soo socda:

  • haddii qofka wax kireynaya uu hawl galiyey wakiil iibiya guriga, ama qandaraaska iibka ee guriga la diyaariyey.
  • hadday iyagu yihiin milkiilaha guriga ama, hadeeysan eheen, inay xaq u leeyihiin kireynta guriga.
  • haddii guriga la kireysanayo ama hantida guud ay aheyd goob dil ka dhacay 5tii sano ee la soo dhaafay.
  • haddii guriga la kireynayo uu leeyahay waxa luuqada ingiriiska lagu yiraahdo asbestos.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan shuruudaha shaacinta qasabka ah ka fiiri Ogaanshaha xuquuqdaada markii aad heshiis saxeexayso.

Takoorka eey sameeyaan hey'adaha wax kireeya

Fiktooriya gudaheeda, waa sharci daro in lagu takooro qof marka ayadoo loo eegayo astaamaha shaqsiyadeed qaarkood. Taasi macnaheedu waa in kuwa wax kireeya iyo wakiilada guryaha aysan kuu diidi karin hoyga ama ku takoori karin inta aad wax kireysaneyso ayadoo laguu eegayo astaamahaaga shakhsiyeed ee uu sharcigu ilaalinayo.

Waa sharci daro in kuwa wax kireeya ama wakiiladooda ay kuula dhaqmaan si aan wanaagsaneyn ama ay ku takooraan sababo la xiriira sifooyinkaas shaqsiyeed awgood markii aad codsaneysid guri kiro ah, marka aad degaysid guri kiro ah ama aad ka tagayso guri kiro ah.

kuwa wax kireeya waxaa laga rabaa inay ku siiyaan macluumaad ku saabsan takoorka mar kasta oo aad dalbato guri kiro ah oo qayb ka ah foomka dalabyada kirada.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan takoorista kirada, ka eeg takoorida Sharci darrada ah ee kireysiga.

Su'aalaha qofka wax kireynaya aanu ku weydiin karin

Haddii aad dalbaneysid guri kiro ah, kan wax kireynaya ayaan ku weydiin karin:

  • haddii aad isi soo khilaafteen qof wax kireeya (ama dad kale oo guryaha bixiya) hada kahor
  • haddii aad waligaa codsi ku heshay lacagta damiin ahaan (bond) loo hormariyo marka wax la kireysanayo
  • bayaan bangiga ah (bank statement) oo ay kujiraan dhammaan qarashaadka maalinlaha ah ee aad isticmaasho - kan wax kireynaya ayaa codsan kara warbixin, laakiin waad ka saari kartaa qarashka joogtada aad u isticmaashid qaarkood si aad u ilaaliso sirtaada
  • wixii macluumaad ah ee ku saabsan sifo ilaalin sida uu dhigayo Sharciga Fursadaha Loo Simanyahay ee 2010, in sababta loogu baahan yahay macluumaadka lagu bixiyo qoraal maahane.

Mararka qaarkood kuwa wax kireynaya waxay ka heli doonaan macluumaadkan ilo kale. Laakiin kuma weydiin karaan macluumaadka markii aad codsaneysid guriga.

Bilaabida heshiiska kirada

Markaad qof kula heshiiso inaad ka kireysato hantidiisa si aad ugu noolaato, waxaad geleysaa heshiis deegaan ookiro ah (oo mararka qaarkood loo yaqaan heshiis ijaareed ama kireysi).

Heshiiska waa la qori karaa ama waa hadal, laakiin waxaa ka wanaagsan in qoraal ahaan loo helo heshiiska.

Heshiisyada kirada waa heshiis u dhexeeya adiga iyo kan wax kireynaya. Waxay caddeynayaan:

Waa inaad isticmaashaa ‘foomka laguu qoray’ markaad galaysid heshiiska kirada oo qoran. Foom la qoray waxaa qeexaya sharciga kirada ee Victoria. 

Heshiisyada muddada-go'an ee shanta sano ama ka yar, waxaan kugula talineynaa inaad isticmaasho foomkeena rasmiga ah Foomka 1.

Heshiisyada muddada-go'an in ka badan 5 sano, waxaan kugula talinaynaa inaad isticmaasho foomkeenna rasmiga ah Foomka 2

Kireystaha ama kan wax kireynaya ayaa ku dari kara shuruudo ama qawaaniin heshiiska kirada, mar haddii ay u hoggaansamayaan Sharciga Kireynta Degganaanshaha.

Tusaale ahaan, kan wax kireynaya waxuu ku darsan karaa sharci ku saabsan in aan sigaar lagu cabbi karin guriga gudihiisa. Ama, kiraystaha ayaa weydiisan kara in lagu daro sharci oranaya dhammaan qalabka gaaska waa in la hagaajiya labadii sanoba mar.

Waa inaad saxiixdaa heshiis kaliya haddii aad fahamto oo aad oggolaato dhammaan qawaaniinta iyo shuruudaha heshiiska kirada, iyo sidoo kale xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga adigoo ah kireystaha.

Haddii ay jiraan wax aadan fahmin, waad nala soo xiriiri kartaa si laguugu sharxo.

Kahor intaadan usoo guurin

Kahor intaadan soo guurin, kan kaa kireynaya ama wakiilkiisa waa inuu ku siiyo:

  • nuqul ka mid ah heshiiska kiradaada
  • furayaal badan oo loogu tala galay inta qof ee heshiiska ku saxiisan
  • warbixin xaalad (haddii ay kaaga baahan yihiin inaad bixiso lacag damiin ah)
  • faahfaahinta xiriirka haddii ay dhacdo inaad u baahato dayactir degdeg ah.

Waa inaad la xiriirtaa shirkadaha biyaha, korontada, gaaska iyo taleefanada aad qorsheyneyso inaad isticmaasho si eey kuugu xirnaadaan adeegyadaas waqtiga aad guureyso. Waa mas'uuliyadaad adiga ku saaran inaad qorsheyso adeegyadan oo aad bixiso biilasha ilaa inta heshiiskaaga ku cad.

Wixii macluumaad dheeraad ah, ka eeg sida loo soo xirto adeegyadan guriga uu u baahan yahay.

Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaad dheeri ah foomkeena heshiiska kirada guryaha.

Heerarka ugu yar ee guri kiro ah

Kuwa wax kireeya waa ineey hubiyaan in guriga uu u dayactiran yahay heerarka ugu hooseeya ee guri lagu kireyn karo. Taas waxaa ka mid ah hubinta:

  • in guriga uusan lahayn daxal ama qaanjeer ama caaro caaro, cayayaan ama dooli
  • qalabka guriga horay ugu jiray sida foornooyinka iyo shooladaha waa ineey shaqeynayaan
  • waa inuu leeyahay kuleyliyaha ammaan ah, ee shaqeynaya
  • waa in jikada iyo musqusha leeyihiin tubooyin biyo kulul oo ku filan oo macquul ah gudbin kara.
  • qaab dhismeedka guriga waa inuu mid amaan ah oo aan biyo soo daadineen yahay.

Haddii guriga la ijaarayo aanu gaadhin heerka ugu hooseeya ee guri kiro ah looga baahan yahay, waad joojin kartaa heshiiska kirada ka hor intaadan usoo guurin. Waxaad sidoo kale codsan kartaa dayactir deg-deg ah si aad guriga kirada uga dhigto mid u dhigma heerka ugu hooseeya wakhti kasta ka dib markii aad guurto.

Ogsoonow: tani waxay khuseysaa oo keliya heshiisyada kirada cusub ee la saxiixay lagasoo bilaabo 29 Maarso 2021. Haddii heshiiskaaga kirada la saxiixay ka hor taariikhdan, waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah boggayaga Kala-guurka ee sharciyada kirada cusub.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan heerarka ugu yar, ka eeg heerarka Ugu Yar ee guryaha kirada ah.

Bixinta lacagta damiinta ah ee loo yaqaan bond

Shirkadaha wax kireeya badankood waxay ku weydiinayaan inaad bixiso lacagta damiinta ah kahor intaadan soo dagin si loo helo lacag lagu dabooli karo wixii waxyeelo ah ee soo gaara guriga.

Haddii aadan waxyeelo geysan, waxaad dib u heli doontaa debaajigaaga markaad guurtid.

Haddii aad waxyeello geysatid, kan wax laga kireystay wuxuu isticmaali karaa qayb ama dhammaan debaajigaaga si uu ugu bixiyo hagaajinta waxyeellada markaad guurtid kabacdi.

Lacagta debaajiga waxaa haya Residential Tenancies Bond Authority (RTBA), oo ah hay'ad madax-bannaan, illaa heshiiskaaga ka dhammaanayo. Kan wax kireynaya ma heli karo lacagta illaa ay u baahdaan mooyee ka dib markaad guurto.

Haddii kan wax kaa kireeyay uu qaato debaajiga waa qasab inay:

  • la diraan ama raaciyaan RTBA
  • uu ku siiyo foomka lagu xareeyay debaajiga oo la buuxiyay si aad u saxiixdo
  • diyaariyaan warbixin xaaladeed oo diiwaangelisa xaaladda guud ee guriga

Waxaad ka heli doontaa rasiid RTBA kaas oo muujinaya in debaajigaagii la xareeyay. Hubso inaad haysato risiidhka debaajigaaga oo aamin ah. La xiriir RTBA haddii aadan helin rasiidka debaajiga 15 maalmood gudahood marka lacagta la bixiyo

Warbixinta xaaladda

Warbixinta xaaladdu waxay diiwaangelisaa xaaladda guriga markii aad u soo guurto.

Waa inay sheegto haddii ay jiraan dhibaatooyin ka jira guriga, sida wax kasta oo jaban ama jug soo gaartay.

Markaad guurtid, warbixinta xaaladda ayaa loo isticmaalaa in lagu hubiyo haddii aad waxyeello u geysatay guriga (marka laga reebo duugoowga yar ee caadiga ah ee ku imaada isticmaalka caadiga ah, isticmaalka maalinlaha ah, oo loo yaqaanno duugoowga iyo jeexitaanka macquulka ah).

kan wax kaa kireeyay ama wakiilkaagu waa inuu ku siiyaa 2 nuqul oo saxiixan (ama hal nuqul elektaroonig ah) oo ah warbixinta xaaladda
guriga ku sugan yahay intaadan usoo guurin. Marka lagu siiyo warbixinta xaaladda, waa inaad:

  1. Hubi in guriga ammaan yahay oo u sheeg kan kaa kireeyay ama wakiilka wixii khatar nabadgelyo ah (sida deyrka barkadda jabsan ama dhibaatooyinka korantada).
  2. Buuxi labada nuqul ee warbixinta. Meel ku qoro wixii waxyeelo ah sida dildilaaca, calaamado ku yaalo derbiyada, ama albaabada meelaha la qabto hadeey jaban yihiin. Waxaad sidoo kale meel ku qoran kartaa haddii aadan ku raacsaneyn warbixinta eey qoreen kan wax kaa kireystay ama wakiilkaagu.
  3. Ka qaad sawirro muujinaya marxalada wax kasta, oo yaal meesha.
  4. U soo celi kan kaa kireeyay ama wakiilka hal nuqul oo warbixinta xaalada guriga ah aad na soo saxiixday 3 maalmood gudahood marka soo guurtid kadib.
  5. Nuqulka kale xafid oo meel dhigo meel aamin ah. Waxaa laga yaabaa inaad u baahatid markaad guureysid si aad dib ugu hesho debaajigaaga.

Inta lagu jiro heshiiska kirada

Waxaad leedahay xuquuqo iyo waajibaadyo gaar ah inta aad kujirto guriga kirada ah.

  • Kiradaada ku bixi waqtiga loogu talagalay. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho risiidh markasta oo aad kiro bixiso.
  • Guriga si macquul ah u nadiifi. Haddii aadan sameyn taas, ama haddii aad waxyeello u geysatid guriga, waa suuragal in aadan dib u helin debaajigaaga oo dhan marka aad guureysid.
  • Xushmeey nabadgelyada iyo asturnaanta dariskaaga, oo xaqiiji in martidaada sidaas oo kale sameyso.
  • U sheeg kan wax kaa kireeyay ama wakiilkiisa wixii dayactir ah ee loo baahan yahay in la sameeyo
  • Waad ku sameyn kartaa isbadalo yar guriga sida inaad u sameysid meelo sawirrada la suro. Laakiin waa inaadan dayactirin, wax ka beddelin ama aanad dib u cusboonaysiin guriga adoon fasax ka heysan kan kaa kireeyay.

Kan guriga kaa kireeyay ama wakiilkoodu wuxuu xaq u leeyahay inuu soo galo guriga, laakiin waa inay ku siiyaan ugu yaraan 24 saac ogeysiis qoraal ah oo ay kuu sheegaan sababta ay ugu baahan yihiin inay soo galaan.

Waxaa jira dhowr sababood oo sax ah oo milkiilaha guriga ama wakiilka u ogolaanaya inay soo galaan guriga. Waxay kaloo soo geli karaan guriga taariikh iyo saacad lagu heshiiyey. Milkiilaha kaa kireeyay guriga ama wakiilladooda waxay sameyn karaan oo keliya kormeerka guriga 6dii biloodba mar, mana sameyn karaan kormeerka ugu horreeya inta lagu jiro 3-da bilood ee ugu horreeya ee aad halkaas ku nooshahay.

Wax ka beddelka

Waxaad xaq u leedahay inaad is bedel ku sameyso gurigaaga kirada ah adigoon u baahnayn inaad marka hore hesho ogolaanshaha milkiilaha kaa kireeyay. Tan waxaa ka mid ah:

  • Inaad ku dhajiso waxbaayaha sawirada darbiyada la suro lagu celiyo ama boolal loogu talagalay in lagu rakibo darbiga, alwaaxyada wax la saarto (shelves) wixii aan ka ahayn dhagax ama shub soo muuqanaya.
  • Ku rakibida madaxyada qubeyska biyaha dhaqaaleeya, waxaana muhiim ah inaad meel u dhigtid madaxii qubeyska ee aad badashay.
  • Ku rakibidda daahyada loo yaqaan (blinds ka) ama xargaha loogu tala galay.

Waxa kale oo jira waxyaabo muhiim ah oo la badali karo laakiin u baahan ogolaanshaha milkiilaha wax kireeyay si kastaba ha noqotee, waa inaysan diidmo aan macquul ahayn ka bixiyaan ogolaanshahaas. Liis buuxa oo ku saabsan isbeddeladan ayaa laga heli karaa halkan.

Haddii aad wax is beddel ah ku sameysay, waxaa lagaaga baahan doona inaad ku soo celiso guriga sidii uu ahaa intaadan heshiiska kirada galin kahor, inaad marka hore kula heshiisay milkiilaha in aadan dib sidii hore ugu soo celineen maahee.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan wax ka beddelka, oo ay ku jiraan marka milkiilaha wax kireynaya uu xaq u leeyahay inuu diido oggolaanshaha, ka eeg Kireystayaasha wax ka beddela guriga.

Helitaanka dayactir

Waxaad xaq u leedahay in laguu dayactiro guriga markii wax jabaan ama wax halaabaan. Haddii aadan adigu geysan waxyeellada (tusaale ahaan, haddii kululeeyahaaga shaqeyn waayo) wax lacag ah ma bixin doontid. Haddii aad waxyeelada geysatay, waxaa laga yaabaa inaad bixiso kharashka dayactirka.

Milkiilaha wax kaa kireeyay looma oggola inuu u joojiyo heshiiska kiradaada sbabo la xiriira inaad weeydiisatay dayactir.

Dayactirku wuxuu noqon karaa mid deg deg ah ama aan degdeg ahayn. Dayactirka degdega ah waa kuwa loo baahan yahay in la sameeyo si loo xaqiijiyo in guriga uu yahay mid lagu noolaan karo. Tan waxaa ka mid ah waxyaabaha sida gaaska oo daadanaya, nidaamyada biyaha kulul oo jaban ama xayndaabka barkadda oo waxyeello gaadhay.

Wixii macluumaad dheeraad ah, ka eeg Dayactirka guryaha kirada ah.

Haddii aad u baahan tahay dayactir degdeg ah

  • Qoraal ugu sheeg milkiilaha guriga kaa kireeyay ama wakiilka waana inay isla markiiba hagaajiyaan. Waa fikrad fiican inaad codsigaaga qoraal ugu sheegtid, xitaa haddii aad marka hore taleefan kula xiriirtid iyaga ama wakiilka guryaha.
  • Haddii aysan si dhakhso ah u hagaajin waxa haleysan, waxaad bixin kartaa illaa $2500 si aad adigu dayactirka u sameyso.
  • Hubi inaad meel dhigato dhammaan risiidhada shaqada laguugu qabtay, iyo nuqulada codsiyadaada qoraalka ah ee dayactirka.
  • Weydiiso milkiilaha kaa kireeyay ama wakiilka inay dib kuu siiyaan kharashka dayactirka adiga oo isticmaalaya foomkan. Waa inay kuugu soo celiyaan muddo 7 maalmood gudahood ah marka foomka la helo.
  • Haddii aadan awoodi karin inaad iska bixiso dayactirka degdegga ah, kharashka dayactirka uu ka badan yahay $2500 ama milkiilaha kaa kireeyay uu diiday inuu bixiyo, na soo wac anaga si aan talo kuu siino.

Haddii aadan hubin in dayactir deg-deg ah loo baahan yahay, akhri liiska buuxa ee dayactirka degdegga ah.

Dayactirku ma noqonayo mid deg-deg ah haddii aad si ammaan ah ugu sii noolaan karto guriga. Dayactirka aan degdega aheyn waxaa ka mid ah armaajo jaban ama qalabka alaabta lagu dhaqdo oo jabay. Milkiilaha aad ka kireysatay waa inuu ku hagaajiyaa wixii aan degdeg aheyn 14 maalmood gudahood.

Haddii aad u baahan tahay dayactir aan degdeg ahayn:

  • Ku weeydiiso dayactirka milkiilaha kaa kireeyay ama wakiilkaaga qoraal ahaan. Waxaad soo diri kartaa emayl ama warqad ama waxaad isticmaali kartaa
  • Nuqul ka hayso dhammaan waraaqaha, emaylka, farriimaha qoraalka, foomamka iyo warbixinnada, si haddii dhibaato ama muran imaado, aad u haysato caddeyn dhammaan ficilladaada iyo codsiyadaada.
  • Nasoo wac anaga haddii milkiilaha wax kaa kireeyay ama wakiilka aysan ku sameyn dayactirka 14 maalmood gudahood marka la helo codsiga ama ka dalbo VCAT si aad u codsato dayactirka.

Cusboonaysiinta heshiiska

Markuu heshiiskaaga kirada dhammaado, mar walba maahan inaad guurtid. Haddii aad rabto inaad sii joogto guriga, waa inaad la xiriirtaa milkiilaha kaa kireeyay guriga ama wakiilkaaga si aad u ogaato inaad saxiixi karto heshiis cusub ama aad u badalan karto heshiis bil illaa bil ah. Akhri waxii dheeraad ah ee ku saabsan Cusboonaysiinta heshiiska kirada (ijaarka).

Joojinta heshiis

Heshiiska kirada wuxuu ku dhamaan karaa dhowr sababood. Sababaha qaar waxaa ka mid ah:

  • kiraystaha ayaa go'aansaday inuu guuro
  • heshiisku wuxuu gaadhay waqtigiisii dhamaadka
  • milkiilaha wax kireeyay ayaa raba inuu usoo guuro, iibiyo guriga ama dayactir weyn ku sameeyo

kireystuhu ayaa bixin waayay kirada, wuxuu khatar gelinayaa dadka kale, wuxuu si xun u waxyeeleeyay guriga ama wuxuu jebiyay xeerarka heshiiska.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan sababaha ay heshiisyada kirada u dhammaan karaan, ka eeg Kireystayaasha oo bixinaya ogeysiis ama Ogaysiis Degdeg ah oo ku saabsan rabshad, dabeecad khatar ah iyo dhaawac culus.

Hadaad rabto inaad joojiso heshiiskaaga

Markaad rabto inaad ka guurto guri kiro ah, waa inaad siisaa milkiilaha kaa kireeyay mudada saxda ah ee loogu tala galay ogeysiiskaoo aad uga tagtaa guriga xaalad nadiif ah.

  • Naga hubso anaga si aad u ogaato ogeysiis ka lagaaga baahan yahay inta maalmood uu noqonayo. Tani way kala duwanaan doontaa iyadoo kuxiran xaaladaada.
  • Ugu sheeg qoraal warqad ama emayl milkiilaha kaa kireeyay ama wakiilka markaad qorsheyneyso inaad baxdo.
  • Bixi wixii kiro iyo biilal laguugu leeyahay.
  • Kala xiriir milkiilaha wax kaa kireeyay ama wakiilkaaga sidii dib laguugu soo celin lahaa debaajigaaga
  • Nadiifi guriga oo qaado dhammaan waxa kaa yaal ee aad leedahay.
  • Hayso warbixinta xaaladda guriga lacala waa intaas oo dhib kaa qabsada inaad soo ceshato debaajiga.
  • Uga tag adreeskaaga iyo lambarka taleefanka milkiilaha aad ka kireysatay guriga ama wakiilka.

Soo cesashada debaajiga

Milkiilaha guriga kaa kireeyay ayaa sameyn doona kormeerka ugu dambeeyo waxayna isticmaali doonaan warbixinta xaaladda guriga markaad soo degtay la diyaariyay si ay isu barbar dhigaan wixii isbeddel ah ee ku imaaday guriga. Iyaga ayaa kuu sheegi doona haddii ay u malaynayaan inay jirto sabab wanaagsan oo ay u dalban karaan qaar ka mid ah debaajiga.

Ha saxiixin foomka milkiilaha kaa kireeyay uu ku dalbanayo debaajiga haddii aadan ku raacsanayn inta lacagta debaajiga ah ee milkiilaha guriga kaa kireeyay uu sheeganayo. Nala soo xiriir wixii talo bixin bilaash ah.

Weligaa ha saxiixin foom dalbashada debaajiga oo maran.

Joojinta heshiiska goor hore (jebinta heshiiska kirada)

Haddii aad rabto inaad ka guurto guri kiro ah ka hor taariikhda heshiiska ku eg yahay, waxaa laga yaabaa inaad bixiso lacag si milkiilaha kaa kireeyay eeysan uga lumin lacag.

Waxa kale oo laga yaabaa inaad sii wadid bixinta kirada ka dib markii aad guurtid, haddii milkiilaha guriga kaa kireeyay uu heli waayo qof si toos ah ugu guuro.

Si kastaba ha noqotee, lacagaha lagaa rabo inaad bixiso waa ineey noqotaa mid macquul ah, milkiilaha guriga kaa kireeyay na waa inuu sameeyaa wax walba oo karaankiisa ah si uu u helo kireystayaal cusub. Kharashaadka macquulka ah micnaheedu waa kharashka dadka badankood u arki karaan ineey xaq tahay. Sharcigu ma qeexayo sida saxda ah kharashyada macquulka ah, sidaa darteed haddii dadku aysan oggolaan karin waxa macquul ah, waxay ka codsan karaan VCAT inay iyaga go'aan uga gaaraan.

Ka aqriso waxii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan joojinta heshiiska goor hore.

Wareejinta heshiiska kirada

Meeshii aad ka joojin lahayd heshiiska kirada goor hore oo aad ka bixin lahayd lacago, waxaad awoodi kartaa inaad heshiiska ku wareejiso dad kale.

Haddii aad tan sameyso, waxaa laga yaabaa inaad wali bixiso lacagaha kala wareejinta, si kastaba ha noqotee, lacagahaas waa inay ahaadaan qiimo macquul ah una dhigma shaqada la qabtay ee kala wareejinta. Ka akhriso waxii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Wareejinta heshiiska kirada.

In lagaa codsado inaad guurto (helitaanka ogeysiiska inaad ka baxdo)

Milkiilaha guriga kaa kireeyay wuxuu ku weydiisan karaan inaad ka baxdo guriga, laakiin waa inuu sabab macquul ah oo keliya heystaa. Tusaale ahaan:

  • heshiiska kirada wuu dhamaaday
  • Guriga ayaa noqotay mid aan u qalmin dadka inay ku noolaadaan
  • waxaa lagugu leeyahay ugu yaraan kirada 14 maalmood.

Milkiilaha guriga kaa kireeyay ma siin karo kiraystata ogeysiis ah inuu uga guuro sababo la xiriira wax qabad, ama wax uu dhahay waan qabanayaa, taas oo sharcigu xaq u siinayo qofkaas kireystaha ah.

Tusaale ahaan, milkiilaha guriga kireynaya ma siin karo kireystaha ogeysiis oo uu uga codsanayo inuu firaaqeeyo sababo la xiriira:

  • codsasho dayactir
  • weydiisashada in xayawaan rabaayad ah la keensado.
  • ka doodida kordhinta kirada.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira sababo kale oo qofka guriga kireynaya uu u codsan karo inuu kaga baxo heshiiska kirada. Dhammaan sababaha qofka guriga kireeyay uu kuu weydiisan karo inaad ka guurto, iyo inta maalin ee ogaysiis ah oo ee ay tahay inay ku siiyaan, ka eeg Ogeysiiska ka bixidda guryaha kirada ah.

Ka doodista ogeysiiska ka bixitaanka guriga

Haddii aad isleedahay si sax ah laguuma ogeysiin inaad ka guurto, ama aad isleedahay sababta milkiilaha guriga kaa kireeyay uu bixiyay ay tahay mid aan run ahayn ama aan cadaalad aheyn, waad ka hor imaan kartaa ogeysiiska. Nala soo xiriir si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Ka saarida (helitaanka amarka lahaanshaha)

Haddii guriga lagaa saarayo oo aad u baahan tahay caawimaad, nala soo xiriir si aad u hesho talo bilaash ah.

Waxyaabaha muhiimka ah ee aa u baahan tahay inaad xasuusato

  • Waxba ha saxiixin ilaa aad ka fahamto waxa loola jeedo mooyee.
  • Weligaa ha saxiixin foom madhan, xitaa haddii uu mid rasmi ah kuula egyahay.
  • Nuqul ka reebo wax kasta oo aad saxiixdo.
  • Nuqullo ku hayso dhammaan xiriirrada lala yeelanayo qofka guriga kaa kireynaya ama wakiilkaaga.
  • Weydiiso rasiid markasta oo aad lacag bixinayso.
  • Heyso rasiidada debaajigaaga iyo risiidhada kale ee kirada ama dayactirka ku keydi meel aamin ah.

Nala soo xiriir si aad u hesho talo bilaash ah haddii aad qabto wax suaal ah ama wax dhibaato ah ku qabto kirada.

Wac 13 14 50 si aad ula hadasho Consumer Affairs Victoria adoo helaya turjubaan.